4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 28, 2022
Puntland oo ku baaqday in xasaanadda laga qaado xldhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shubka)
 

Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland, ayaa ugu baaqay barlamaanka Soomaaliya inay xasaanadda kala laabtaan xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo saxaafadda kasii daayay hadal abuuray dhaleecayn badan.

Xildhibaan Mahad oo ahaa taliyihii hore ee ciiddanka Asluubta Soomaaliya, ayaa mar uu ka hadlayay howlgallada ka dhanka ah Alshabab, wuxuu sheegay Alshabaab markii hore in laga keenay Puntland, Galmudug iyo waqooyiga. Wuxuu sheegay haddii loo baahan yahay in la saaro in loo didiyo, Galgaduud, Gaalkacyo, Garowe, Galgala iyo Hargeysa.  

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland, Cabdiweli Mire Xirsi, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay in xildhibaan Mahad uusan istaahilin inuu xil u hayo ummadda.

Sidoo kale wuxuu xildhibaanada Puntland iyo Galmudug ee ku jira barlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay ka shaqeeyaan mooshin xasaanadda looga qaadayo xildhibaan Mahad Shubka.

“Xildhibaan Shubka inuu maanta yiraahdo, Shabaabka haloo didiyo Galgala iyo Waqoooyiga, waxaanu ka codsanaynaa guddoonka barlamanka in xasaanada lagala noqdo, kaasoo kale in xil loo dhiibo maba ahaynba,” ayuu yiri Cabdiweli Mire Xirsi.