4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 28, 2022
Koonfur Galbeed oo beenisay inay Alshabaab dileen ciidamo katirsan nabad sugidda maamulkaas
 

Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ,Ilyaas Cali ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay sheegashada ah in Alshabaab ay ciidamo ka tirsan Nabadsugida Koonfur Galbeed ku dileen Seydheelow.

Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa saxaafadda usoo bandhigay qaar ka mid ah askarta ay Alshabaab sheegtay inay dileen, kuwaas oo kasoo muuqday shir uu qabtay.

Alshabaab ayaa bartooda internetka ku faafiyay maydadka askar badan oo ay sheegeen inay katirsan yihiin nabad sugidda Koonfur Galbeed, kuwaaas oo ay tilmaamen inay ku dileen dagaallo ka dhacay duleedka Baydhabo.

Ururka waxay kaloo sheegeen inuu so dirqi ah uga badbaaday wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali. Waxay sheegeen inay dileen ilaaladiisa gaarka ah.

Alshabaab ayaa sheegay inay deegaanka Labaatan Jiroow kusoo bandhigeen meydadka 12 askari oo lagu dilay dagaalkii doraad Seydheeloow ka dhacay. Waxay sheegeen inay si adag udifaaceen dhammaan deegaannadii lagu dagaallamay oo dhaca duleedyada Baydhabo.