4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2022
Xisbiga Waddani oo la hadlay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeediyay in uu kafiirsado hadaladiisa iyo ficiladiisa ku aadan Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay barbar taagnaayeen Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo saraakiil kale, ayaa sheegay in ay haboontahay in Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan laba dowladood oo kala madaxbannaan isla markaana jaar wanaagsan ah.

"Hadii mawqif kaagu yahay midnimo oo anad maqli karin madaxbannaanida Somaliland iyo gooni isu taageeda, anagana mawqif kayagu waa madaxbannaani iyo Somaliland oo beesha caalamka ka mid noqota" ayuu yidhi Xirsi.  "Iyo dadka Soomaaliyeed oo ah walaalo is gudub yaala iyo dowlado iskaashada".

Waxa uu sheegay in madaxbannaanida Somaliland ku timid rabitaanka shacbiga "Midnimada Soomaaliya rabitaan bulsho ayay ku timid ee rabitaanka siyaasiyiinta kumay iman, gooni isu taaga iyo madaxbannaanida Somaliland-na waxay ku timid rabitaanka bulshada reer Somaliland".

Waxa uu sheegay in anay ahayn wax cusub ahayn in umadi ka tashato masiir keeda, isla markaana uu heshiiska caalamiga ah ee Qaramada Midoobay farayo in umad kasta ay xor u tahay in ay mustaqbal keeda iyo sida uu u ekaanayo ka tashato.

Waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay in uu ka fiirsado hadalada iyo ficiladiisa, isaga oo sheegay in uu xilka ka tagi doono, lakiinse wixii uu Somaliland u gaysto iyo wixii uu taraaba ay taariikhda u gali doonaan. Waxaana uu sheegay in mawqifka madaxweyne Xasan aanu ahayn mawqif bulsho.

Waxa uu kusoo gaba gabeeyay in ay xisbi ahaan aaminsanyihiin in wadahadalku xalyahay, loona baahanyahay in wadahadal mawqifka bulshada ku salaysan la wada yeesho.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]