4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2022
Xisbiga Waddani oo go'aan kasoo saaray muddo kordhin loo sameeeyo madaxweynaha Somaliland
 

Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Xisbiga Waddani ayaa sheegay in anay ogolayn in madaxweynaha Somaliland loo sameeyo muddo kordhin aan iyaga laga talo galin.

Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, Musharaxa Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo saraakiil sar sare oo xisbiga ka tirsan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in anay aqbalayn muddo kordhin aan xisbigooda laga talo galin.

"Go'aanka xisbigu waxa weeyaan in aanaan ogolayn muddo kordhin 13 Novermber ka danbaysa oo aan laysku waafaqsanayn, oo aan laga heshiin" Guddoomiye Xirsi, ayaa sidaa warbaahinta u sheegay.

Waxa uu sheegay in ay waafaqsanyihiin jadwalkii shalay guddida doorashooyinku soo gudbiyeen, isla markaana aan doorashada lagu qaban karin wakhtigeedii hore, lakiin waxa uu soo jeediyay in la is waydiiyo cida sababtay in doorashadu dib u dhacdo, isagoo xukuumada ku eedeeyay.

Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa Sabtidii shalay ku dhawaaqay in doorashadii madaxweynaha Somaliland, aanay ku qabsoomi doonin wakhtigii sharciga ahaa duruufo jira awgeed, iyagoo sheegay in ay doorashada ku diyaarin karaan muddo 9 billood ah oo ka bilaabanta bisha October.

Hadaba, guddidu war-murtiyeed kooda kuma xusin doorashada urrurada iyo xiliga la qabanayo, taasi oo mucaaradku u sacaba tumeen, sheegeena in guddidu ay go'aamisay in ay qabtaan doorashada madaxtooyada oo kali ah.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]