4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2022
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Xerada Nacnaca oo ku taala degmada wadajir ee Magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu dhexgalay dhalinyaro la sheegay iney qoranayeen ku biiritaanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugna afaafka hore ee Xarada Nacnaca, waxaana halkaasi lasoo wariyay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray dhalinyaradii goobta ku sugneyd.

Wali ma cada qaabka uu goobta ku gaaray qofka is qarxiyay, waxaana goobta laga soo sheegaya iney ka socoto gurmad loo sameynayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa Ismiidaaminta ah ee uu fuliyay qofka naftii huraha ah.

Xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan ah mid kacsan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxa Ismiidaaminta ah ee goordhaw ka dhacay Xerada Nacnacada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu qarax noocaan oo kale ah uu ka dhaco Xerada Nacnaca, waxaana horay sidan oo kale qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay dhalinyaro sidaan oo kale qoraneysay ciidanimo.