11/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2022
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo odayaasha dhaqanka kala hadlay dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab

Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Maanta kulan wadatashi ah la yeeshay Odeyaasha dhaqanka ee maamulka Galmudug oo uu kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib u heshiisiinta, xasilinta deegaanada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta qorsheyaal ay ku doonayaan iney isaga hor keenaan beelaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Fiqi ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay dooneyso in dagaalada lagula jiro oo noqday kuwa xoogeystay iney marin habaabiyaan oo ay diyaarsadeen qorsheyaal ay qoorta isugu galinayaan beelaha oo ay ka dhigayaan in dagaalka beel ku duushay deegaanka beel kale.

"Waxaan ku bogaadinayaa beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Al-shabaab ku hayeen, waxaana ku baaqaya in kacdoonka ka dhanka ah Shabaab inuu gaaro meesha ugu dambeysa, Alshabaab waxay ku tilmaameen dadkii ay tuulooyinka ka gubeen kuwoo mooriyaan ah oo qudhaacu dhuruq ah, waana ognahay in xagjirnimada kooxdaasi darteed aaney odeyaasha ka qeyb geli karin horumarinta deegaanadooda sida ceel qodis, guryo dhisid, beero iyo wixii la mid ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiir arrimaha gudaha ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu jiro shirweyne ay isugu iman doonaan reer Hirshabelle iyo reer Galmudug, kaasoo lagu qaban doonno magaalooyinka Baledweyne ama Dhuusamareeb mid kood, waxaana odeyaasha uu wasiirka ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan arrimaha socda.

Odeyaasha dhaqanka Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin halganka ka dhanka dagaalamayaasha Al-shabaab, waxayna wasiirka hordhigen qorshahooda la xiriira arrinkan, iyagoona wacad ku maray in ay huri doonaan naf iyo maalba.

Gabagabadii waxaa qoraalka lagu sheegay in kulamada watashiga ah ee uu la leeyahay wasiirka arrimaha gudaha odeyaasha dhaqanka inuu ballaarin doono oo ay ku xigi doonaan odayaasha dhaqanka maamulada Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

Sikastaba ha ahaate Shalay ayay aheyd markii Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali dheere uu si qota dheer uga hadlay dagaalka dowladda ay iclaamisay iyo kacdoonka shacab ee uga furmay Al-shabaab qaar ka mid ah gobolada dalka, kaasoo digniin culus hawada u mariyay beelaha dagaalada kula jira Ururkooda oo uu ku tilmaamay kuwa garab u ah wuxuu ugu yeeray gaalada.












Click here
9/19/2022 4:51 PM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga Soomaaliya gaar ahaan guutada Shanaad ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta Deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ku dilay 5 ka tirsan Alshabaab.

9/19/2022 11:21 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Eritariya ayaa beenisay warar maalmo ka hor lagu baahiyay Warbaahinta caalamiga ah, taas oo lagu sheegay inay heegan gelisay Eritariya ciidamadeeda militeriga ah, iyo inay u yeertay ciidamadeeda keydka ah oo ay ku amartay inay soo diyaar garoobaan, iskana soo xaadiriyaan xeryaha ciidan ee u dhaw.

9/19/2022 11:14 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka tiirka xoreynta iyo sugida amniga, kaasoo looga hadlay howlgalada culus ee ka dhanka ah Al-shabaab.

9/19/2022 11:08 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya marka ay kursiga yimaadaan ay u tafo xaytaan dhibaataynta Somaliland, madaxweyne Xasan Sheekh-na uu wadadii maray.

9/19/2022 10:31 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Haweenay ka mid ahayd shaqaalaha hay’adda samafalka ee Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC), ayaa sharciga la tiigsatay hay’adda, kaddib markii ay sheegtay in shaqadda looga joojiyay sifo sharci darro ah bartamihii sannadkii 2020-kii, xiligaasi oo cudurka COVID-19 uu mararay heer sare.

9/19/2022 7:53 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa meel mariyay soojeedintii guddida ganacsatada ee ahayd in la is raaciyo doorashooyinka madaxweynaha iyo urrurada siyaasada.

9/19/2022 5:18 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Waxaa sii korortay tirada dhimashada kooxda Al-Shabaab ee kasoo gaaray howgalka ciidamada dowladda iyo kuwa Macaawisleyda ka wadaan deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan.

9/19/2022 4:05 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ee uu uga hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka Shacab ay wajahayaan Al-shabaab.

9/19/2022 12:43 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macaawisleyda ayaa ku dhawaad 50 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dilay meel u dhow degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.