4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo isaga baxay deegaanada Moqokori iyo Yasooman
 

Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ee dhawaan la wareegay deegaanadaasi inay isaga baxeen.

Ciidamada dowladda ku sugnaa maalmahii lasoo dhaafay degmada Moqokori ee saakay banaeeyay magaaladaasi ayaa la sheegay iney u dhaqaaqeen dhanka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halka kuwa ka baxay Yasooman ay iyana dib ugu laabteen dhanka degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inay faarujiyaan fariisamahoodii deegaanada Moqokori iyo Yasoomam ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda, waxaana warar haatan kusoo dhacaya warqabadka HOL ay sheegayaan in labada deegaanba ay goordhaw gudaha u galeen Al-shabaab oo horay uga talin jirtay deegaanadaasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleeydaba wali maysan sheegin sababta ka dambeysa iney isaga baxaan degmada Moqokori iyo deegaanka Yasooman oo ay dhawaan uun kala wareegeen Al-shabaab.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf aanan wali la xaqiijin waxa uu ka dhashay inuu soo kala dhexgalay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee looyaqaano Macawiisleeyda.