4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 23, 2022
Wasiir Gaafaadhi: 26-ka hadii la gaadho waa urur WADDANI

Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in marka la gaadho 26 December oo wakhtigii sharciga ahaa ee xisbiyadu ku egyahay, in xisbiga WADDANI urur noqonayo.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay in madaxda xisbiga WADDANI, ay 10 sanno kahor u ullolaynayeen in ururo la furo, markaasi oo uu WADDANI ku dhashay doorashadii ururada ee xukuumadii Kulmiye qabatay.

"Waxan u sheegayaa oo dadweynuhu anay ogayn 2012 ragaa maanta hadlayaa, waa ragii difaacayay in ururo la abuuro, oo waxay kamid ahaayeen ragii ururada sameeyay, Xirsi wuxuu kamid aha ragii ururada sameeyay, isaga oo xukuumada ku jira ayuu urur sameeyay" ayu yidhi Gaafaadhi.

Wasiirka ayaa sheegay in marka la gaadho 26 December ee sannadkan uu xisbiga WADDANI urur isku badalayo madaama oo mudadiisii sharciga ahayd dhamaanayso, isla markaana Xirsi uu yahay shakhsiga ku tartami doona magaca xisbiga.

"Waxa ay ka didayaan waa nabsiga, waxa kale oo ay ka didayaan arrin kale oo ay tahay in ay xalkeeda gaadhaan, 26 December hadii la gaadho waa urur WADDANI, ururka Xirsi ayaa guddoomiye ka ah Xirsi, ayaa loogu codaynayaa, hadii ayna sidaa ahayn ma shirwayne aan caadi ahayn ayaan la qabsanaya oo waxba laga badalayaa" ayuu yidhi Gaafaadhi.

Waxa uu sheegay in marka doorashada ururada la galo, aanu jiri doonin wax musharax la yidhaa, oo kali ah ay jiri doonaan goddoomiyayaal ururo, guddoomiyahana loo codayn doono, ee aan musharax loo codayn doonin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]