4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2022
Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dib xureynta deegaanka iyo Al-shabaab goordhaw ka bilaawday deegaanka Ceeldheere
 

Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ku yaala xaduuda ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in daqiiqado kooban ka hor uu halkaasi ka bilawday dagaal aad  xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo Ururka Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa bilaawday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga ciidamada dib u xureynta deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Ceeldheere.

Waxaa lasoo warinaya in dagaalka ka socda Ceeldheere inuu yahay mid aad culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana jugta hubka la isku adeegsanaayo laga maqlayo meelo aad uga fog fog deegaanka uu dagaalka ka socdo.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa laga soo warinaya dagaalka ka socda Ceeldheere, hayeeshee si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka haatan ka socda deegaankaasi.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.