4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2022
Dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay
 

Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Maanta uu halkaasi dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen farsiin deegaankaasi ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo socday mudo ka badan hal saac.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay Deynuunaay oo 25 KM dhinaca bari kaga beegan magaalada Baydhabo.

Saraakil ka tirsan ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad oo warbaahinta la hadashay ayaa waxay sheegeen iney iska difaaceen weerarka kaga yimid Al-shabaab, islamarkaana ay khasaare kala duwan ay garsiyeen, Al-shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay ku qaadeen deegaanka Deynuunaay oo ay sheegeen iney la wareegeen deegaankaasi, hayeeshee majirto warar madax banaan oo xaqijinaya sheegashada Al-shabaab ee ah iney la wareegeen deegaanka Deynuunaay.

Dagaalka Maanta ka dhacay Deynuunaay ayaa imaanaya, iyadoo Al-shabaab tiro dhowr jeer oo hore weeraro culus oo noocaan oo kale ah ay ku qaadeen deegaankaasi oo ay Shabaab si weyn xoogga saareyso sidii ay ula wareegi laheyd, maadama uu yahay deegaan istaratiiji ah.