4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2022
Dagaal dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Buuhoodle
 

Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Dagaal sababay dhimashada 3 askari iyo ugu yaraan dhaawaca 8 kale, ayaa degmada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Taliyaha Guutada 135aad ee Ciidamada Somaliland ee aaga Buuhoodle Gaashaanle Sare Cabdillaahi Dhagaweyne, oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Sahan, ayaa sheegay in Ciidanka Puntland soo weeraray Ciidanka Somaliland oo nabadgalyada sugaya.

"Ciidanka Puntland ayaa soo qaaday weerar oo laba garab ah, garab qaybta booliiska ah oo uu taliyihii qaybtu wato, qaybna waxay ahayd qaybta Daraawiishta, dagaal ayaa halka ku dhex maray, ciidankaas nabadgalyada sugayay iyo nimankaas" ayuu yidhi Gaashaanle Dhagaweyne.

Gaashaanle Sare Dhagaweyne ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana Ciidanka Somaliland ay dagaalka ku qabsadeen baabuur dagaal.

"Dagaalkaasi khasaaro dhimasho iyo dhaawacba waa yeeshay, dhankooda intaanu ka warhayno 3 dhimasho ah iyo 7 dhaawac ah ayaa la sheegayaa, Somaliland nin askari ah ayaa dhaawac ka ah, 3 gaadhi oo laba tikniko tahayna waa laga qabtay Puntland" ayuu yidhi Gaashaanle Dhagaweyne.

Waxa uu sheegay in markii dagaalku dhacay ay Ciidamada Somaliland ka shaqaynayeen sugida nabadgalyada Buuhoodle, oo shaqaaqo beeleed ka dhacday, isla markaana Ciidanka Puntland uu dhinaca kale ka joogay magaalada, kadibna Ciidamada Puntland ay soo weerareen Ciidanka Somaliland xili ay sugayeen amaanka odayaal dhaqameed deegaanka soo gaadhay.

Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa muddo dheer ku wada sugnaa deegaanka degmada Buuhoodle, lakiin ma jiraan dagaalo lamid ah kuwa ka dhacay gobolka Sool oo Buuhoodle ku dhex maray labada ciidan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]