3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2022
Maxkamada Sare ee Somaliland oo sharciyaysay urur ka hadhay ururadii soo baxay
 

Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ururka Talo-wadaag, oo guddida diwaangalinta ururadu sheegeen in uu ka hadhay ururada soo baxay uu soo baxay oo uu kamid yahay ururada guulaystay.

Maxkamada oo dhagaysatay dacwad uu ururku ka qabay natiijada ay soo saartay guddida diwaangalinta ururada cusub, ayaa aqbashay  dooda ururka, iyada oo go'aamisay in ururka Talo-wadaag uu kamid yahay ururada u gudbay in ay galaan doorashada ururada iyo xisbiyada.

"Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markii ay daristay doodii iyo dhammaan cadaymihii ay dhinacyadu u soo gudbiyeen, waxa ay xukuntay in urur-siyaadeedka Talo-wadaag u gudbay tartanka Doorashada Axsaabta Qaranka" ayaa lagu yidhi qoraal maxkamada kasoo baxay.

Qoraalka maxkamada ayaa lagu xusay in dhamaan ururadii ka hadhay tartanka madaxtaabashada ahaa ee ay ururadu galeen, uu ururka Talo-wadaag oo kali ahi uu soo gudbiyay dacwad uu ku Qaadacayo natiijada guddida diwaangalinta.

Hoos ka akhriso qoraalka maxkamada oo faah faahsan:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/21/2022 2:07 PM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa buriyay saddex xeer oo uu Madaxweyihii hore ee Soomaaliya saxiixay, kuwaas oo lagusoo dhisay guddiga madaxa bannaan ee Dooradhooyinka, xubnaha guddiga xuduudaha iyo federaalka iyo hay’adda diiwaan galinta shaqaalaha Soomaaliyeed.

11/21/2022 8:39 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaaaabad lagu xusayo Maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo ka dhacday xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana ka qeyb galay munaasabadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Tastuurka, Qaar ka mid ah Xildhibaannada labada Aqal, guddoomiyaha gobalka Banaadir, qaar ka mid ah macalinmiinta Soomaaliyeed, Ardey iyo Marti sharaf kale.

11/21/2022 7:42 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ciidamada Kenya ee ku hoos shaqeeya howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sii joogi doona Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Kenya.

11/21/2022 6:42 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ururka Saxafiyiinta dowlad degaanka Soomaalida ee fadhigiisu yahay magaalada Jigjiga ayaa doorasho ay galeen maalintii Axadda ahayd waxay ku doorteen guddoomiye cusub.

11/21/2022 3:49 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaanka Dhurseen oo ku yaala Waqooyiga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

11/21/2022 2:05 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay simon Coveney, wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalka Ireland.

11/21/2022 1:07 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Booliska G/Banaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Xuseen Xasan Gaaboow oo lagu eedeeyay inuu faafiyay muuqaalo ku saabsan tacadiyo uu kula kacayo gabdho aan qaangaar ahayn.