3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2022
Ciidamada dowladda oo sheegay in howlgal qorsheysan lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab
 

Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaanka Dhurseen oo ku yaala Waqooyiga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ciidanka dowladda ee howlgalada qorsheysan ka filiyay deegaanka Dhursheen oo 35 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Xudur ayaa la sheegay in halkaasi ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada ka tirsan taliska guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa waxay sheegeen in howlgalka lagu dilay laba Sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Mooragaabeey iyo Cali Garweyne, kuwaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa go’doominta degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxaay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaabka ku suga deegaanada gobolka Bakool ilaa ay go’adoonka ka qaadayaan degmada Xudur oo ka mid ah degmooyinka ay go’doomiyen kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkaan ciidamada dowladda ay ku dileen labada sarkaal ee ka tirsana Ururka  Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe deegaano ka tirsan Bakool laga dareemaayay abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo dib u xoreynta deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabaab gobolka Bakool.












Click here
11/21/2022 2:07 PM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa buriyay saddex xeer oo uu Madaxweyihii hore ee Soomaaliya saxiixay, kuwaas oo lagusoo dhisay guddiga madaxa bannaan ee Dooradhooyinka, xubnaha guddiga xuduudaha iyo federaalka iyo hay’adda diiwaan galinta shaqaalaha Soomaaliyeed.

11/21/2022 8:39 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaaaabad lagu xusayo Maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo ka dhacday xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana ka qeyb galay munaasabadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Tastuurka, Qaar ka mid ah Xildhibaannada labada Aqal, guddoomiyaha gobalka Banaadir, qaar ka mid ah macalinmiinta Soomaaliyeed, Ardey iyo Marti sharaf kale.

11/21/2022 7:42 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ciidamada Kenya ee ku hoos shaqeeya howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sii joogi doona Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Kenya.

11/21/2022 6:42 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ururka Saxafiyiinta dowlad degaanka Soomaalida ee fadhigiisu yahay magaalada Jigjiga ayaa doorasho ay galeen maalintii Axadda ahayd waxay ku doorteen guddoomiye cusub.

11/21/2022 5:05 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ururka Talo-wadaag, oo guddida diwaangalinta ururadu sheegeen in uu ka hadhay ururada soo baxay uu soo baxay oo uu kamid yahay ururada guulaystay.

11/21/2022 2:05 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay simon Coveney, wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalka Ireland.

11/21/2022 1:07 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Booliska G/Banaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Xuseen Xasan Gaaboow oo lagu eedeeyay inuu faafiyay muuqaalo ku saabsan tacadiyo uu kula kacayo gabdho aan qaangaar ahayn.