4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kormeeray goobihii ku burburay qaraxyadii dhawaan ka dhacay Baledweyne
 

Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo kasoo kictimay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle, ku xigeenkiisa, Xildhibaano, Wasiiro, masuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baledweyne.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyntooda kadib, waxay kormeer ku tageen goobihii bishii lasoo dhaafay bilowgeedii ay ka dhaceen qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee Al-shabaab ku weerareen xarunta maamulka gobolka Hiiraan oo ku taala bartamaha Baledweyne, waxaana qaraxyadaasi ay geysteen khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh iyo burbur hantiyadeed oo baaxad weyn.

Safarka Maanta Baledweyne ay ku tageen madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, kadib markii ciidamo aad u farabadan la dhoobay dhamaan xaafadaha iyo wadooyinka gudaha magaalada Baledweyne.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu dhagax dhigi doono dhismaha cusub ee xarunta maamulka gobolka Hiiraan oo dhawaan ku burburtay weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday bishi lasoo dhaafay sadaxdeedii.