4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2022
Xukuumada Somaliland oo shaacisay dayn aan la ogayn oo lagu leeyahay
 

Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in lagu leeyahay dayn dhan $45 milyan, dayntaasi oo aan hore loo ogayn.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire oo hor yimid guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada, ayaa sharaxaad ka bixiyay sida dayntan loogu yeeshay iyo cadad keeda.

"Daynta 45 milyan ee aan sheegay %56 waxaynu kala soo wareegnay dowladihii hore, dowladanba maaha, intii hore iyo intanba markaad eegto runtii meesha lacagtu ku baxday waa kaabayaal, waliba kaabayaashi aynu dib u qaramaynay ayaa %40 ka ah, %49 waxa ka ah wax la xidhiidha amniga ama saanad ciidan" ayuu yidhi Wasiir Shire.

Wasiirka ayaa sheegay in ay wax caadiyada tahay in dowladuhu daynta qaataan, isaga oo sheegay in Jabuuti 1 bilyan oo dollar oo dayn ah lagu leeyahay, halka Kenya-na 70 bilyan lagu leeyahay, waxa uu sheegay in dhamaan lacagtan lagu maalgaliyay wax loo baahnaa.

Wasiirka ayaa sheegay in xogta dayntu kaydsantahay isla markaana mid kastaba xiligeeda si nidaamsan loo bixiyo.

Inkasta oo la aaminsana in xukuumada madaxweyne Biixi ay dayn kala soo wareegtay xukuumadihii ka horeeyay hadana, may jirin cid ogayd cadadka saxda ah ee daymaha lagu leeyahay xukuumada Somaliland.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]