3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2022
Qof shacab ah oo ku geeriyooday god dahabka laga qodo oo kuyaala deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag
 

Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Waxaa god dahabka laga qado oo kuyaala deegaanka Milxo oo katirsan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag laga soo saaray maydka nin dhallinyaro ah oo shalay uu la dumay god uu dahab ka baarayay.

Gurmad socday ku dhawaad 24 saacadoood ayaa lagu guulaystay in isagoo mayd ah laga soo saaro godka. Waxaase xusid mudan in shalay lasoo badbaadiyay nin kale oo godka kula dhacay oo dhaawac uu kasoo gaaray.

Marxuumka oo lagu magacaabo Cabdi Yare, ayaa in ku dhow 24saac ku gu’doonsanaa god dahabka laga qado. Waxaana aad u adkaatay in la gaaro halka uu ku dhacay, inkastoo dadaal xooggan oo aan kala joogsi lahayn ay sameeyeen dadka deegaanka.

Waa dhacdadii labaad oo wax ka yar labo bil gudaheed ka dhacda deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag, halkaas oo caan ku ah godad dahabka laga qado oo dadku ka shaqeystaan.

Dhowr jeer oo kasii horreysay ayay dadka deegaankaas dhibaatooyin waawayn kasoo gaareen baarista dahabka. Welise xal looma helin.

Dadka deegaankaas oo ah kuwo danyar ah oo xoolo dhaqato u badan, ma haystaan qalab ka caawin kara khatarta ay kala kulmi karaan shaqadan halista badan.












Click here
11/20/2022 1:53 PM EST
Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay guddoomiye ku xigeenada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.

11/20/2022 12:36 PM EST
Shalay Sabti ahayd waxaa magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona Masjidka Al Rahma lagu soo gabgabeeyey shirkii Jimciyadda Islaamiga ee Waqooyiga America, Islamic Association of North Ameica (IANA).

11/20/2022 10:20 AM EST
Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Waqti aad u kooban kaliya ayaa ka harsan iney bilaabato munaasabadda furitaanka koobka kubadda cagta Aduunka oo ay sanadkaan 2022-ka ay marti galineyso wadanka Qatar.

11/20/2022 9:01 AM EST
Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

11/20/2022 7:56 AM EST
Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in lagu leeyahay dayn dhan $45 milyan, dayntaasi oo aan hore loo ogayn.

11/20/2022 7:45 AM EST
Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaland ee UCID, ayaa waxan suuragal ahayn ku tilmaamay sharciyadii shalay golaha fulinta ee xisbiga Kulmiye sheegeen in ay kala noqdeen xisbiyada mucaaradka.

11/20/2022 5:22 AM EST
Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta ee uu shalay ku baaqay guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe.

11/20/2022 5:08 AM EST
Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw gabi ahaanba uu istaagay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii kala duwana ee ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka, islamarkaana wadooyinka waa weyn lasoo dhoobay ciidamo aad u farabadan.

11/20/2022 4:00 AM EST
Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Souef Mohamed El-Amine oo ah Dublamaasi u dhashay dalka Comoros, ayaa la wareegay inuu noqdo madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ku dhawaad 7 bilood ka dib markii ay dowladda Soomaaliya cayrisay ergaygii hore ee Francisco Madeira.

11/20/2022 1:24 AM EST
Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaa iyo Safiirka Kenya u jooga Soomaaliya, Thomas Chepkoto, ayaa wada hadal ka yeeshay xoojinta iskaashiga duulimaadka ee labada dhinac, ansixinta heshiisyada gaadiidka iyo duullimaadka iyo dib u soo celinta duulimaadyada Kenya Airways.

11/20/2022 1:18 AM EST
Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay safaro ku tagay deegaano ka kala tirsan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa Xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.