3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2022
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland oo Maanta xukun toogasho ah ku fulisay laba askari

Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Sabti ah xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay dilal kala duwan uga geystay gudaha magaalada Kismaayo.

Labada nin ee dilka toogashada ah Maanta lagu fuliyay ayaa kala ahaa Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u geysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow iyo Yuusuf Xuseen Cabdi oo isna horay u dilay Aksari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabi jirau Dable Cabdullaahi Cali Suuli 17-Nov-2021-kii, waxaana Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland xukunkaan dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-kii bishii lixaad ee sanadkaan 2022-ka.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobta toogashada Maanta ay ka dhacday ayaa sheegay in qof walba oo qof dila isna la dili doono.

Khamiistii lasoo dhaafay ayeey ahayd markii sidan oo kale xukun dil toogasho ah Maxkamada ciidamada Qalabka sida ay magaalada Kismaayo kula fuliyay labo Askari oo horay gudaha magaalada Kismaayo ugu dilay dad shacab ahaa, waxaana dilalka noocaan ah soo dhaweeyay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo oo tilmaamay hadii sidan oo kale qofkii qof dila loo toogto iney yaraan doonto in si bareer ah loo dilo qof shacab ah.












Click here
11/19/2022 2:57 PM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Eritrea ayaa si adag u eedeysay dalalka reer Galbeedka inay tashuush iyo marin- habaabin ku fureen xiriirka iskaashi ee dhexmaraya dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea.

11/19/2022 2:41 PM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - TPLF ayaa dowladda Eritariya waxa ay ku eedaysay inay wado abaabul ciidan oo ka dhan ah heshiiska ay dhawaan ku gaareen dalka Koonfur Afrika dowladda Itoobiya iyo TPLF.

11/19/2022 9:38 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradka ahi anay haysan sharciyada xukuumada, kadib markii ay iyagu kalsoonida kala noqdeen xukuumada.

11/19/2022 7:28 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

11/19/2022 7:14 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa sheegay in anay xukuumada aqoonsanayn ilaa oo ay sharciga kusoo laabato, sida loo dhigay qoraal kasoo baxay xisbiga.

11/19/2022 5:23 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Sarkaal sare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay xad-gudubyo dhowr ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo geystay dad rayid ah oo Soomaaliyeed, sanadihii 1980-meeyadii, ayaa lagu xiray gobolka Virginia.

11/19/2022 2:55 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka saxiixay sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka iyo adeegsiga walxaha qarxa ee meelaha ay dadku ku badan yihiin.

11/19/2022 12:51 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.