3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambo baxay safar uu ku kormeerayo deegaannadii laga xoreeyay Alshabaab
 

Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa warbixinno ku saabsan guulaha iyo abaabulka dagaalka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, ka dhagaysan doona talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u kuur-geli doona xaaladda ka jirta deegaannada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, halkaas oo laga soo sheegayo xaalad adag oo nololeed oo soo food saartay dadkii ay saameeyeen colaadaha iyo abaaraha.

Safarka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli uu maalmahan hakad ku yimid howlgalladii Shabaab looga xoreynayay Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo Alshabaab ay dib ula wareegeen qaar kamid ah deegaannadii laga xoreeyay sida Wabxo.

Dhowaan, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay inaysan jirin meel looga noqdo dagaalka Alshabaab, isagoo hoosta ka xariiqay inuu dagaalku soconaya illaa Shabaaab laga ciribtiro guud ahaan dalka.












Click here
11/19/2022 2:57 PM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Eritrea ayaa si adag u eedeysay dalalka reer Galbeedka inay tashuush iyo marin- habaabin ku fureen xiriirka iskaashi ee dhexmaraya dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea.

11/19/2022 2:41 PM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - TPLF ayaa dowladda Eritariya waxa ay ku eedaysay inay wado abaabul ciidan oo ka dhan ah heshiiska ay dhawaan ku gaareen dalka Koonfur Afrika dowladda Itoobiya iyo TPLF.

11/19/2022 9:38 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradka ahi anay haysan sharciyada xukuumada, kadib markii ay iyagu kalsoonida kala noqdeen xukuumada.

11/19/2022 7:28 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

11/19/2022 7:14 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa sheegay in anay xukuumada aqoonsanayn ilaa oo ay sharciga kusoo laabato, sida loo dhigay qoraal kasoo baxay xisbiga.

11/19/2022 5:30 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Sabti ah xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay dilal kala duwan uga geystay gudaha magaalada Kismaayo.

11/19/2022 5:23 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Sarkaal sare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay xad-gudubyo dhowr ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo geystay dad rayid ah oo Soomaaliyeed, sanadihii 1980-meeyadii, ayaa lagu xiray gobolka Virginia.

11/19/2022 2:55 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka saxiixay sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka iyo adeegsiga walxaha qarxa ee meelaha ay dadku ku badan yihiin.