4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2022
Habraaca Amniga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyay
 

Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray habraaca amniga doorashada madaxweynaha goobta ay ka dhaceyso oo ah Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa shaaciyay in amniga goobta doorashada ay sugayaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, islamarkaana ay caawin doonaan tiro ka mid ah askarta Booliiska Soomaaliya.

Habraaca amniga doorashada ayaa sidoo kale lagu wargaliyay Musharaxiinta Madaxweynaha in ciidamada hubeysan ee la socda lagu reebi doono albaabka Madina Gate oo ah albaabka ay Mushariinta ka gali doonaan Teendhada Afisyooni oo ah goobta doorashada ka dhaceyso 15-ka bishaan May.

Hoos ka akhriso Habraaca oo doorashada Amniga oo dhameystiran:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online