4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2022
Sheekh Shariif oo noqday Musharaxii ugu horeeyay ee isku diiwaan galiya Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
 

Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si rasmi ah uga bilaabatay diiwaan galinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Musharaxii ugu horeeyay ee is diiwaan galiya ayaa waxaa noqday madaxweynahii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markale doonaya inuu noqdo madaxweynaha dalka ee afarta sano ee soo socota 2022- 2026.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qaatay shahaadada Musharaxnimo ee doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda ay is diiwaan galiyaan Musharaxiin kale oo u taagan tartanka doorashada madaxweynaha dalka.

Goobta ay ku shaqeynayaan guddiga doorashada madaxweynaha ee lagu diiwaan galinayo Musharaxiinta ayaa ah xarunta Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soonaaliya, waxaana haatan ka socda howlaha la xiriirta diiwaan gelinta musharixiinta madaxweynaha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online