9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 14, 2022
Daahir Maxamuud Geelle oo shaaciyay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya
 

Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ahaa Musharaxiinta madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya ayaa goordhaw si rasmi ah u shaaciyay inuu isaga haray tartanka doorashada xilka madaxweynaha oo lagu wado in maalinta berito ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyay Daahir Geelle inuu isaga haray tartanka doorashada madaxweynaha, isagoona u mahad celiyay taageerayaashii qeybta ka ahaa olalahiisa tartanka doorashada madaxweynaha.

"Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay" ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Waxuu intaasi ku daray Daahir Geelle inuu sii wadi doono dadaalada uu ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya, isagoona u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee sida dhow u garab istaagay mudadii uu ololaha ku jiray.

Daahir Maxamuud Geelle waxa uu mar soo noqday Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xiligii uu raysal wasaaraha ahaa Xasan Cali Kheyre, mana jirto wax tafasiil dheeraad ah oo uu sheegay Daahir Geelle marka laga soo tago inuu isaga haray tartanka doorashada oo saacado kooban inaga xigto.

Waxaa horay tartanka isaga haray Musharaxiinta kala ahaa Cabdikariin Guuleed iyo Cabdinaasir Cabdulle oo iyagana ka mid ahaa musharaxiinta isku diiwaan galisay tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, maalinta berito ayaa loo madalsan yahay doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
5/14/2022 3:30 PM EST
Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Beesha caalamka ayaa caawa ugu baaqday dhammaan xubnaha Baarlamaanka ee labada aqal inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka.

5/14/2022 9:50 AM EST
Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Maxamuud Daahir Jaamac oo kamid ah xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa iscasilay kadib khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha guddida.

5/14/2022 8:55 AM EST
Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku dhawaaqay in ay si gaar ah ugu dabaal dagi doonaan munaasibada 18 May, waxayna sheegeen in anay tagi doonin fagaaraha uu madaxweyne Biixi kaga qayb galayo munaasibada.

5/14/2022 8:01 AM EST
Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - 4 qof ayaa ku nafwaayay 7 kalena way ku dhaawacmen shil baabuur oo ka dhacay xaafada Burcada-yar ee magaalada Hargaysa.

5/14/2022 7:55 AM EST
Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeeshay gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

5/14/2022 7:11 AM EST
Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka jawaabay mudaharaadyadii uu balan qaaday musharaxa xisbiga Waddani, ayaa sheegay in xukuumadu dalka ku hogaaminayso nabadgalyo.

5/14/2022 3:23 AM EST
Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in caawa laga billaabo magaalada Muqdisho la galindoono xaalad Bandow ah oo looga golleeyahay adkaynta ammaanka magaalada Muqdisho oo ay berrito ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

5/14/2022 3:17 AM EST
Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw soo saaray fariin ku socota Musharaxiinta u taagan tartanka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

5/14/2022 2:14 AM EST
Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta degan xaalada magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamul goboleedka Galmudug oo shalay dagaalo xoogan ay ku dhaxemareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca.

5/14/2022 1:57 AM EST
Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay madaxda warbaahinta madaxa banaan iyo qaar ka mid ah hoggaanka ururadda saxaafada ee dalka oo horay cabasho ugu gudbiyay guddoomiyaha Baarlamaanka.

5/14/2022 1:46 AM EST
Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Musharrax madaxweyne Cabdinaasir Cabdille Cusmaan, oo kamid ahaa musharraxiinta isku diiwaan galiyay doorashada madaxweynaha, ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu u tanaasulo oo uu taageero musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.