6/30/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2022
Dowladda UK oo sheegtay inay Soomaaliya ka caawinayso inay amnigeeda kala wareegto ATMIS

Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Wasiirka ciidamada ee dalka UK, James Heappey, ayaa booqasho ku tagay dalalka bariga Afrika ee ay Soomaaliya ku jirto, si uu ugala hadlo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka iyo dhismaha amniga Soomaaliya.

James Heappey ayaa booqashada uu ku tagay Soomaaliya waxay qeyb ka tahay, si ay UK uga caawiso dowladda Soomaaliya in mas’uuliyadda amniga ay kala wareegto ciidamada caalamiga ah.

UK ayaa siisa tababaro horudhac ah ciidamada Midowga Afrika (AU) ee ka socda wadamada saaxiibka la ah, xilli ay isku diyaarinayaan in ay ka taageeraan ciidamada Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale in ka badan 70 askari oo British ah ayaa ku sugan Soomaaliya, waxaana ay tababareen ku dhawaad 1,000 askari oo Soomaali ah iyo macalimiin si ay si ay uga caawiyaan dhisidda awooddooda.

Wasiir Heappey ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ay ka wadahadleen sidii Soomaaliya ay horumar u gaari lahayd.

Waxa uu sidoo kale la kulmay oo uu la hadlay ciidamada Britain ee haatan ka caawinaya dib u habeynta laamaha amniga Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada ATMIS Lt Gen Diomede Ndegeya oo uu kala hadlay caqabadaha ay la kulmaan.

Hawlgalka ATMIS-ta ee ay Qaramada Midoobay taageerto ayaa dhawaan bedelay hawl-galkii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo dib u habeyn lagu sameeyay si loo sii ambaqaado howlgalka iyadoo mas'uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/13/2022 4:15 PM EST
Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani oo taageerayaashiisa ugu baaqay mudaharaad, hadii doorashada madaxtooyada Somaliland ay qabsoomi waydo 13 bisha November ee sannadkan.

5/13/2022 4:04 PM EST
Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafka dhex yaalla labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Jig-jiga, ayaa soo saaray qodobo muhiim ah, oo xal u noqon kara khilaafaadka dhex yaal labada degaan.

5/13/2022 1:41 PM EST
Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM),oo warbixin labaad kasoo saaray safarkii madaxda talisku ay shalay ku tageen Somaliland, ayaa sheegay in ay doonayaan in ay iskaashi millateri la yeeshaan Somaliland.

5/13/2022 12:28 PM EST
Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa si buuxda dib gacantooda ugusoo celiyay magaalada Dhuusomareeb, halkaas oo aay Saakay weerar kusoo qadeen ciidamo Ahlusunna Waljameeca.

5/13/2022 7:23 AM EST
Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Dowlad degaanka Canfarta ayaa deeq lacageed oo gaaraysa 10 milyan ugu deeqay shacabka degaanka Soomaalida, deeqdan ayaa waxaa degaanka Soomaalida soo gaarsiiyay Madaxwaynaha degaanka Canfarta Awal Arbe.

5/13/2022 4:27 AM EST
Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna waljamaaca ayaa weli ka socda qeybo kamid ah magaalada Dhuusomareeb, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo aan weli xog sugan laga haynin.

5/13/2022 2:45 AM EST
Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la soo gaba gabeeyay diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

5/13/2022 1:50 AM EST
Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Xubno ka tirsan ururka xuquuqul insaanka ee İHD ee ka jira dalka Turkiga, ayaa booqday qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Ankara, kuwaas oo la kulmay cadaadis lagu xirayo dukaamadooda.

5/13/2022 1:23 AM EST
Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusuna Waljamaaca ayaa saakay waaberigii ka bilowday magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

5/13/2022 12:57 AM EST
Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Cabdikariin Xuseen Guulleed oo kamid ah musharraxiinta isku diiwaan galiyay tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa isaga haraya tartanka doorashada, isagoo u tanaasulay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.