4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Cabdikariin Qalbidhagax oo Maanta Muqdisho gaaray


Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Waxaa galinkii dambe ee Maanta gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax, kaaso si weyn ay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ugu soo dhaweeyeen wasiirada Amniga, Gaashaandhigga iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Imaashaha Cabdikariin Qalbidhagax ee magaalada Muqdisho ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu ka qeyb gali doono, islamarkaana uu khudbad ka jeedin doono doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya oo lagu wado iney dhacdo 15-ka bishaan May.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo ka mid ahaa saraakishii sar sare ee Ururka ONLF, kaasoo sanadkii 2017-kii dowlada Soomaaliya ay u gacan galisay dowladda Itoobiya.

Raysal Wasaare Rooble ayaa la sheegay inuu Qalbidhagax ka xaalmariyay gabood falkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan baa’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirrada, kaas oo Qalbidhagax iyo ONLF ku tilmaamayay iney yihiin argagixiso.

Raysal wasaaraha ayaa Halgamaa Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda Soomaaliya, islamarkaana guddoonsiiyay billad, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.

Socdaalka Qalbidhagax ee magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xili 15-ka bishan lagu wado in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online