4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2022
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo sameeyay magacaabistii ugu horreeysay ee xafiiskiisa
 

Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe ayaa sameeyay magacaabistii ugu horreysay tan iyo markii loo doortay xilka guddooomiyaha barlamaanka, 28-kii Abril.

Aadan Madoobe ayaa u magacaabay Maxamed Xasan Idiris inuu noqdo Lataliyihiisa sare gaarka ah ee arimaha siyaasada iyo amniga.

Maxamed Xasan Idiris ayaa ka tirsanaa baarlamaanka hore ee waqtigiisu dhammaaday, waxayna deegaan doorashadiisu ahayd dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Wuxuu kamid ahaa xildhibaannada sida adag mucaaradka ugu ahaa dowladda madaxweyne Farmaajo, balse kuma guulaysan inuu kursiga kusoo laabto sida saaxiibadiisa mucaraadka oo kale.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]