4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2022
Raila Odinga oo ballan qaaday inuu xoojin doono xiriirka Kenya iyo Soomaaliya haddii la doorto
 

Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Hogagamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, si buu yiri loo hormariyo dhaqaalaha Kenya.

Isagoo kula hadlayay magaalada Nairobi ururka ganacsatada xaafaddda Eastleigh, musharaxa madaxweynaha Kenya mr Odinga ayaa wuxuu ku celiyay sida ay uga go’an tahay in uu wax ka qabto canshuuraha badan ee soo wajaha ganacsiyada.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo lagasoo doorto xaafadda Eastleigh, iyo Fatuma Gedi oo laga soo doortay Wajeer ayaa sheegay Odinga inuu muujiyay inuu yahay hoggaamiye heer sare ah oo kicinaya dhaqaalaha Kenya.

Raila Odinga, hogaamiyaha Orange Democratic Movement (ODM) ayaa horey u sheegay  inuu dib usoo celin doono suuqa qaadka ee Kenya hadii loo doorto doorashada sagaalka August ee sannadan 2022.

Qaadkii Kenya ay keeni jirtay Soomaaliya oo dhaqaale badan ka soo gali jiray muwaadiniinteeda ayaa waxaa joojisay dowladda Soomaaliya kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada dowladood, wuxuuna Odinga wacad ku maray inuu suuqa soo celin doono marka la doorto.

Odinga ayaa sheegay inuu ka warhayo dhibaatooyinka dhaqaale ee soo food saaray dadka reer Kenya. taasoo uu sheegay inay ugu wacan tahay joojinta Qaadka Soomaaliya.

“Waan fahansanahay dhibaatada beeraleyda qaadka, waxaana iga go’an in aan xal u helo suuqyada qaadka ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo,” ayuu yiri Raila Odinga.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]