3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya qarax lala beegsaday Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir
 

Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Xalay fiidkii hore lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan wadada xariirisa Muqdisho iyo Ceelasha biyaha, waxaana la xaqiijiyay in qaraxa aysan waxyeelo kasoo gaarin Taliyaha, hayeeshee qaraxa ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid aheyd ilaaladiisa oo saarna gaariga Cabdibilaha uu qaraxa qabsaday..

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxaasi lala beegsaday kolanyada gaadiidka ee galbineysay Taliye Farxaan Qaroole ayaa waxay sheegeen in qaraxa uu burburiyay mid ka mid ah gawaaridii galbineysay Taliyaha, walow aysan sheegin khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxa.

Sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii uu ka badbaaday Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole weerar ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaasoo lagula eegtay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
5/10/2022 3:55 PM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddoonka barlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray awaamiir lagu xoojinayo amniga goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada loo xilsaaray masuuliyadda amniga doorashada.

5/10/2022 12:10 PM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa Galabta soo gabagabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya oo socotay sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay.

5/10/2022 11:38 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in aanu diyaar u ahayn in uu qabto doorashooyinka mudaysan dabayaaqada sannadkan.

5/10/2022 9:42 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Maanta kormeer ku tagay xarunta lagu qabanayo doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maalinta berito ah ay ka bilaabaneyso hadal jeedinta musharaxiinta madaxweynaha.

5/10/2022 9:17 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay guddi 5 qof ka kooban, oo baadhis ku samayn doonta khilaafka maamul ee ka dhexeeya Guddida Doorashooyinka Somaliland.

5/10/2022 7:22 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay horumarka laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha.

5/10/2022 7:17 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Howgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay, iyagoo la tashanaya guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya inay xoojinayaan amniga xerada Afisyooni , halkaas oo ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha dalka.

5/10/2022 1:20 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in diiwaan galinta musharraxiinta madaxweynaha ay ku egtahay maanta oo tallaado ah, gaar ahaan afarta galabnimo.

5/10/2022 1:13 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka loogu jiro xilka madaxweynaha Soomaaliya.

5/10/2022 1:12 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in aanu daacad ka ahayn qabashada doorashada madaxtooyada.