4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2022
Beesha caalamka oo madaxweynaha Somaliland kala hadashay arrimaha doorashooyinka
 

Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Sida Madaxtooyada Somaliland baahisay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan fogaan arag ah arrimaha doorashooyinka kala yeeshay 11 safiiro iyo dibulumaasiyiin reer Yurub ah.

Dibulumaasiyiinta oo ka socda waddamada Somaliland ka taageera geedi socodka dimuquraadiyada, ayuu madaxweynuhu marka hore uga warbixiyay xaalada guud ee Somaliland, waxaanu u sheegay in furista urrurada siyaasada ay maxkamdu fasaxday isla markaana ay axsaabta mucaaradku hambalyeeyeen go'aanka maxkamada.

"Waxa uu sheegay in sida ay maxkamada dastuuriga ahi go’aamisay in ururadu furan yihiin cidii u horaysay ee arrintaa aqbashayna ay ahayd xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo maxkamada ku hambalyeeyey tallaabadaasi" ayaa lagu yidhi warbixin madaxtooyadu kasoo saartay kulanka.

Madaxweynaha ayaa sidookale dibulumaasiyiinta u sheegay in markii guddidii hore ee doorashooyinku iscasileen, uu si deg deg ah waraaqo ugu kala diray dhinacyada ay khusayso si ay u keenaan xubnihii badali lahaa, si looga baaqsado in doorashooyinku dib u dhacaan.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in xubnaha dibulumaasiyiinta ahi ay balanqaadeen in ay gacan ka gaysan doonaan hirgalinta doorashooyinka marka arrimaha sharci ee doorashada looga baahanyahay dhamaystirmaan, sida in lasoo buuxiyo dhamaan xubnaha guddida doorashooyinka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]