4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2022
Somaliland: Gabadh sheegtay in la kufsaday oo cadaalad codsatay
 

Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Gabadh lagu magacaabo Nimco Jaamac Xasan oo ah 16 sanno jir degan magaalada Caynaba ee Somaliland, ayaa sheegtay in ay kufsadeen askar booliis ah, waxayna dalbatay cadaalad.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxabannaan ee Somaliland, oo saraakiil ka tirsani booqasho ugu tageen gabadha, ayaa lagu sheegay in Nimco ay sheegtay in laba askari oo booliis ahi ay kula kaceen fal kufsi ah.

"Waxay ka cabanaysa in ay fal kufsi ah ay kula kaceen laba nin oo Ciidanka Booliiska J. Somaliland ka tirsan, kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin Xasan Ismaaciil (Gacmo-yare) oo ah taliye qaybeedka degmada Caynabo iyo Mustafe Yuusuf Diiriye (Karaag) oo isna ah askari ka tirsan booliiska".

Xarunta xuquuqal insaanka madaxabannaan, ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqday in cadaalada la horkeeno askarta la eedeeyay, si sharciga loogu qaado.

Hoos ka akhriso warbixinta xarunta oo dhamaystiran:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]