3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2022
Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay maandooriye tiro badan
 

Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland ee degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargaysa, ayaa gacanta ku dhigay 419 litir oo khamri ah, saddex eedaysane iyo baabuurkii lagu siday.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska, ayaa sheegay in ciidamada booliiska, millateriga iyo shacab iskaashaday ay maandooriyahan gacanta kusoo dhigeen, shalay abaaro 1:00 duhurnimo.

"Shalay oo bishu ahayd 22, saacadu markay ahayd 1:00 duhurnimo, ciidanka booliiska ee saldhiga Maxamed Mooge, taliyaha rugta Digaaale, rag kale oo ciidanka millateriga ka tirsan iyo shacaba, waxay soo qabteen 419 litir oo dry gin iyo saddexdii eedaysane, iyo gaadhigaa land cruiser ka ah".

Ciidanka booliiska ayaa digniin u diray cidkasta oo ku foogan ka ganacsiga maandooriyaha sharcidarada ah, waxayna sheegeen in sharciga lala tiigsan doono cidkasta oo lagu qabto iyaga oo faraha kula jira ka ganacsiga maandooriyaha.

Booliiska Somaliland ayaa dagaal adag kula jira maandooriyaha kala duwan oo si qarsoodi ah Somaliland looga doo galiyo  xuduudka Itoobiya iyo waddamada kale ee jaarka. Dagaalka maandooriyaha lagula jiro oo adkaaday awgeed ayay xukuumada Somaliland ku dhawaaqday in ay dhisayso ciidan u gaar ah la dagaalankiisa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/23/2022 11:10 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Sida Madaxtooyada Somaliland baahisay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan fogaan arag ah arrimaha doorashooyinka kala yeeshay 11 safiiro iyo dibulumaasiyiin reer Yurub ah.

6/23/2022 9:31 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koofur Afrika ayaa dil u geysatay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku noola dalkaasi.

6/23/2022 9:18 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Gabadh lagu magacaabo Nimco Jaamac Xasan oo ah 16 sanno jir degan magaalada Caynaba ee Somaliland, ayaa sheegtay in ay kufsadeen askar booliis ah, waxayna dalbatay cadaalad.

6/23/2022 7:39 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Maleyshiyo beeleed is abaabulay ayaa xirtay waddada isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo ee Puntland, iyadoo halkaas ay haatan ku xaniban yihiin in ka badan 50 kamid ah gaadiidka xamuulka qaada.

6/23/2022 3:57 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee Danab iyo ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaano ku yaala galbeedka magaalada Kismaayo oo ay ka mid yihiin Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, yaaq dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

6/23/2022 3:42 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay 143 milyan oo doolar oo loogu talagalay si loogu caawiyo dadka nugul ee Soomaaliyeed si ay uga gudbaan xaaladaha abaarta iyo cunno yarida sii kordhaysa ee dalka oo dhan.

6/23/2022 3:36 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Dalka Itoobiya dadkii loo qorsheeyay inay sannadkan xajka ka tagaan ayay dhibaato lasoo daristay, kaddib markii maamulka sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ay dadkaasi u sheegeen inaan loo wada hayn lacag Dollar ah oo lasiiyo.

6/23/2022 1:42 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor) oo lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyaha shakabad katirsan Alshabaab oo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka geysan jiray Boosaaso, ayaa kasoo hadlay warbaahinta isagoo beeniyay dambiga loo haysto.

6/23/2022 1:36 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Kulan ay yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo danjiraha faransiiska ee Kenya Aline Kuster-menager, ayaa lagaga wada hadlay, doorashooyinka, iskaashiga ganacsiga iyo wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.