4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2022
Ku dhawaad 300 oo qof ayaa lagu dilay degaanka Oromiya ee dalka Itoobiya

Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah, ku dhawaad 300 oo qof oo Axmaaro u badan ayaa lagu dilay dalka Itoobiya, gaar ahaan degaanka Oromiya, goobta lagu magacaabo Gimbi oo ay degaan qawmiyadda  Axmaaradu, waxaana lagu eedeeyay Jabhadda Oromada ah ee OLA.

Dilkan oo dhacay Sabtidii aynu soo dhaafnay ayay dowladdu ku eedeysay Jabhadda Xoreynta Oromiya ee OLA, inkastoo Afhayeen u hadlay Jabhaddaasi uu beeniyay in jabhadoodu ay ka dambeysay dilka dadkaas tiradoodu ay ku dhaw dahay ilaa 300 oo qof.

Toddobaadkii hore dhexdiisii ayaa baraha bulshada muuqaal lasoo galiyay waxaa uu muujinayay, dad saarnaa gaari xamuul ah oo dhex socday degaanka Axmaarada goob lagu magacaabo Dhawa Chafe oo ay degaan dadka Oromada ah, inta gaarigii lagala dagay si arxan darro ah loo laynayo.

Baadhitaan ay samaysay hay'adda xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayay ku sheegtay in dadkaasi lalaynayay ahaayeen dad kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, dadka wax laynayayna ay ahaayeen ciidamada gaarka ah ee degaanka Axmaarada iyo maleeshiyaad degaankaasi ka soo jeeda.

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo ka hadlay xasuuqyadan kusoo badanaya Itooboya, gaar ahaan kan u dambeeyay ayaa sheegay in dilalka iyo xasuuqyada loo gaysanayo dadka aan waxba galabsan aan haba yaraatee loo dulqaadanayn, isagoo xusay in marwalba ay mudnaanta siinayso dowladdiisu sidii loo sugi lahaa amniga shacabka iyo xasiloonida dalka.

Dhowr gobolka oo kamid ah dalka Itoobiya ayaa waxaa ka jira isku dhac qowmiyadeed oo soo laalaabta inbadan, taas oo sababteeda aan wali la ogaan iyadoo isku dhacyadaasina ay yimaaddeen intii uu hoggaanka Itoobiya qabtay Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed, isku dhacyadan qawmiyadeed ayaa inta badan sababa xasuuqyo loogaysanayo dad aan waxba galabsan oo shacab u badan, taas oo ay u dambaysay xasuuqii ay maalin un kasoo wareegtay ee lagu laayay dadka u badan qawmiyadda Axmaarada ee dega degaanka Oromiya.

Lama saadaalin karo waxa ay ku dambaynayso xaaladahan kasoo cusboonaaday qaybo kamid ah dalka Itoobiya, iyadoo dowladduna ay marwalba sheegto inay wax ka qabanayso isku dhacyadan, halka wali ay sii soconayaan isku dhacyada u dhaxeeya qaar kamid ah qawmiyadaha wada dega dalka Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]