4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2022
Caruur badan oo nafaqadaro ugu geeriyootay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan
 

Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xaalada nafaqadaro ah oo mareysa heerkii ugu darnaa abid.

Agaasimaha Isbitaalka degmada Maxaas Yaxye Cabdi Garuun oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in caruurta ku dhaqan degmada Maxaas iyo tulooyinka hoos yimaada ay la dhimanayaan macluul sababtay abaaraha ka jira degmada iyo nawaaxigeeda.

"Bilahii lasoo dhaafay waxaa degmada Maxaas ka jirtay xaalad nafaqadaro nooca ugu daran oo soo ridaneysay caruurta da'doodu ka yartahay shanta sano, waxaana maalin walba degmada iyo tulooyinka hoos yimaada nafaqadaro ugu geeriyoodo laba ama sadax caruur ah, degmada ma joogaan wax hay'addo ah oo ka shaqeeya, kuwaan codsiyada u gudbinayna cid inooga soo jawabtay malaha, xata wasaaradaha Cafimaadka heer dowlad goboleed iyo heer Fedaraal" ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka Yaxye Cabdi.

Waxuu intaasi ku daray in Isbitaalka degmada Maxaas uu yahay Isbitaal ay ku tiirsan yihiin dadka ka kala yimaado degmooyinka Ceelbuur iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Sh/dhexe, kuwaas oo aanan laheyn adeegyo Caafimaad.

Ku dhawaad lix boqol oo caruur ah ayuu sheegay Agaasime Yaxye Cabdi in haatan ay u jiifaan Isbitaalka degmada Maxaas nafaqadaro soo ridatay, islamarkaana bishaan hada socoto ay geeriyootay carur ka badan 20, wuxuuna walaac ka muujiyay xaalada caruurta nafaqadarada soo ridaneyso maalin walba oo tiradoodu ay sii kordheyso.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online