4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2022
Faysal Cali Waraabe: Muuse wuxuu keenay in uu sharci samaysto
 

Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sharci daro ku tilmaamay furista urrurada siyaasada, isagoo sheegay in aanu jirin sharci loo cuskado.

Guddoomiyaha ayaa madaxweynaha markale, ku eedeeyay in uu samaystay sharci aan sax ahayn, oo uu urrurada ku furayo iyo in uu siyaasiyiin uu wato ku boorinayo in ay urrur siyaasadeedo furtaan.

"Hada waxa uu keenay in uu sharci samaysto, sharci odhanaya ana waan joogayaa axsaabtana waan baabiinayaa, meel ay ku taalo urruro toos ah oo la furayaa ma jirto, waad aragteen dadka uu kiciyay ee magacyadii hoobolada la baxay ee yidhi urruro ayaanu nahay" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu urrurada ku eedeeyay in ay ollolaynayaan iyaga oo aan wax sharci ah haysan, arrintaasi oo ay ka gacansiinayaan taageerayaasha xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

"Iyaga oo aan sharci haysan ayay ollolaynayaan, hadad u fiirsataan xafladkasta oo nimankaasi samaystaan, waxa soo dhawaynayaa waa reer Kulmiye, axsaab aan jirin ayuu doonayaa in uu samaysto, sharci aan jirin ayuu doonayaa in uu isticmaalo" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in ay dhabtahay in madaxda xisbiga Waddani ay haystaan ciidamo shacab ah oo hubaysan, sida uu Booliiska Somaliland ku eedeeyay musharax Cirro, Faysal ayaa ku andacooday in xisbiga Waddani ciidamada u qorteen kadib amaan daro ay dareemeen.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]