3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 18, 2022
Ra'iisul Wasaare Rooble oo maanta daah-furay Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare Soomaaliya


Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay qaar kamid ah gobollada dalka.

Imtixaankan oo ay u fariisteen arday tiradoodu gaarayso 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday, ayuu Ra'iisul Wasaaruhu ka daah-furay Muqdisho, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo uu sheegay in waqti badan la galiyey.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan.

Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare waxaa uu ka dhacayaa gobolka Banaadir, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaanan ka qeyb galayn Puntland.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in magaalada Baxdo oo shalay uu ka dhacay dagaal xooggan oo khasare lagu gaarsiiyay Alshabab ay kamid tahay meelaha imtixaanka lagu galayo oo dowladdu amnigeeda ay sugtay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/18/2022 4:28 PM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, ku eedeeyay in uu haysto ilaalo aan ciidan ahayn.

6/18/2022 10:04 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay guddiga shirkadaha diyaaradaha ka howlgala gobolada dalka Soomaaliya ee ku mideysan Ururka AOA, kuwaas oo warsaxafadeed kasoo saaray caqabado kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ku yaala gobolada dalka Soomaaliya.

6/18/2022 8:07 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Dad aan haybtooda la aqoonsan ayaa dab qabadsiiyay afaafka hore ee guriga uu magaalada Hargaysa ka daganyahay, xogeeyaha guud ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

6/18/2022 6:12 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa Maanta ku dilay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose Kormeerahii guud ee Wasaaradda Waxbarashada gobolka Sh/hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

6/18/2022 4:40 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxda Bankiga Adduunka ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’addaha deymaha bixiya iyo madaxda federaalka Soomaaliya.

6/18/2022 4:17 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa si guud uga warbixiyay xaaladda galbeedka gobolka Sitti, iyo waxay salka ku hayso colaadda aan xalkeeda la helin ee Soomaalida iyo Canfarta.

6/18/2022 1:35 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay hay’addaha qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee samafalka inay faafiyeen digiin hubanti la’aan ah oo ku saabsan khatar amni oo Alshabaab la maleegayaan Garowe.

6/18/2022 12:55 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Maraakiibta Spain iyo Faransiiska ee dhawaan lagu helay iyagoo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay badweynta Hindiya ayaa lagu daray liiska madow kaddib markii Hay'ada Blue Marine ay Kashiftay Boobka ay wadeen Maraakiibta labadan waddan.

6/18/2022 12:51 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa go'aansatay in shacabka beeralayda ah ee degaanka Soomaalida ay ka guuraan qaabkii hore ee ay beeraha u falan jireen una guuraan qaab casri ah, iyadoo sidoo kale shacabka ku dhiirigalisay inay dhulka wax kala soo baxaan si looga kaaftoomo cuntada dibadda ka imaanaysa.