4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Degmada Galdogob oo markii ugu horeysay abid yeelatay garoon diyaaradeed oo Maanta diyaarad rakaab ah ka degtay


Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Diyaaradii ugu horeysay oo sida Rakaab ayaa Maanta ka degtay garoon diyaaradeed markii ugu horeysay abid laga hirgaliyay magaalada Galdogob ee gobolka Mudug, taasoo ka ambabaxay garoonka diyaaraaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaraaha Galdogob ayaa dhismahiisu waxa uu socday halkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana Maanta oo taariikhdu tahay 30-July-2022  lagu guuleystay in duulimaadkii koowaad uu si rasmi ah uga dego garoonka degmada Galdogob.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duraan Faarax oo ahaa shaqsiga lahaa fikirka in la dhiso garoonka diyaaraha degmada Galdogob  ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxan yahay inuu Maanta arko mid ka mid ah riyadii reer Galdogob oo hirgashay.

"Waxaa Farxad ii ah in Maanta oo taariikhdu tahay 30,July,2022 aan ku guulaysanay in diyaaradii ugu horaysay ee Muqdisho kasoo kacda rakaabna wada ay kasoo dagto Garoonka Diyaaradaha Galdogob oo halkii Sano ee ugu dambeeyay dhisme ku socday" ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Wasiir Duraan ayaa si weyn ugu mahadceliyay qeybaha kala duwan ee reer Galdogob oo uu ugu horeeyo Ugaas Cali Ugaas Maxamed, Salaadiinta, Waxgaradka, Culimadda, Ciidamada Amniga, Haweenka Dhalinyarada iyo Maamulka degmada Galdogob kaalintooda ku aadeneyd rumaynta riyada garoon diyaaradeed ay yeelato Galdogob oo uu sheegay in lagu taamayay 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Gabagabadii Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duraan Faarax ayaa tilmaamay in wali dhismaha garoonka uusan aheyn mid dhamaystiran, waxuuna bulshada gobolka Mudug gaar ahaana kuwa dagmada Galdogob ee ku nool gudaha dalka iyo dibadiisa ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhamaystirka garoonka diyaaradaha magalada Galdogob.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]