12/6/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Saraakiil kamid ah Kooxda Al Shabaab
 

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Itoobiya ayaa tabisay in Ciidamada Cirka ee Itoobiya oo qayb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab ay duqeyn ay ka gaysteen xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku dileen Saraakiil ay ku sheegeen inay kamid ahaayeen Kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha ay dowladda Itoobiya sheegtay inay dileen waxaa kamid ah Fu'ad Maxamed Khalaf oo loo yaqaano Shangole, oo ahaa Madaxa Abaabulka iyo dacaayadaha ee Kooxda Al Shabaab, sida uu sheegay Janeral Tasfaye oo ahaa Janeralka watay Ciidamada Militariga Itoobiya ee ka barbar dagaallamaya kuwa Liyuu Booliska.

Waxa kale oo kamid ah ragga ay Itoobiya ay sheegtay inay dishay Af-hayeenkii Al Shabaab Abdicaziiz abuu muscab iyo Gudoomiyihii u qaabilsana Bakool Cubayda Nuur Ciisa, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka ee Itoobiya oo soo xiganaysa Janeralka Ciidanka Itoobiya watay.

Dhinaca Liyuu Booliska degaanka Soomaalida waxay dagaalladan dambe ka sheeganayaan guulo, inkastoo aysan jirin faahfaahino ay ka bixiyeen guusha ay sheegteen.

Kooxda Al Shabaab ayaa iyaguna dhinacooda waxay sheegteen guulo inay ka gaareen dagaalladan dambe, iyagoo sheegay inay dileen in ka badan 100 Askari oo kamid ah Ciidanka Liyuu Booliska, qaar kalena dhaawaceen.

Guulaha ay sheeganayaan Ciidamada dowladda Itoobiya iyo Kooxda Al Shabaab, ma jiraan Ilo madax banaan oo xaqiijin kara.

Dagaalkan dambe ayaa kusoo hagaagaya iyadoo Khamiistii u dambaysay uu Madaxweyne Mustafe cagjar uu dib ugu soo laabtay magaalada Jigjiga, isagoo muddo dheer ku sugnaa furimaha hore ee ay ka socdeen dagaalladu.

Madaxweyne Mustafe cagjar waxa uu maalintaa sheegay in Ciidanka Liyuu Boolisku ay jabiyeen qorshe sannad ay diyaarinayeen Kooxda Al Shabaab, sidoo kalena ay Xukuumaddiisu diyaarinayso qorshe lagu samaynayo aag ka caagan Kooxda Al Shabaab.

Dagaallada u dhaxeeya Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida oo garab ka helaya kuwa Itoobiya iyo Kooxda Al Shabaab ayaa galay maalintiisii 11aad, iyadoo wali aan si buuxda Al Shabaab looga saarin degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/30/2022 5:36 PM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa raali galin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu warbaahinta kasii daayay oo uu ku beeninayay inay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay kawada hadleen muranka webiga Nile.

7/30/2022 5:27 PM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa xisbiyada mucaaraka Somaliland uga digay in ay qabtaan mudaharaad anay ogolaansho u haysan.

7/30/2022 12:17 PM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Diyaaradii ugu horeysay oo sida Rakaab ayaa Maanta ka degtay garoon diyaaradeed markii ugu horeysay abid laga hirgaliyay magaalada Galdogob ee gobolka Mudug, taasoo ka ambabaxay garoonka diyaaraaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

7/30/2022 11:03 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Wada-hadallo waqti dheer qaatay ayaa goor dhow usoo gabagaboobay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare , Xamse Cabdi Barre , sida ay HOL u sheegeen xubno ku dhow madaxtooyadda.

7/30/2022 10:43 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta Madaxtooyada maamulka Galmudug ku qaabilay Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James swan oo Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

7/30/2022 9:52 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxaned Islaam Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allah u naxariistee wasiirkii Arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo ku dhintay dalka Jarmalka.

7/30/2022 8:32 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inaysan hay’adda amniga ku faro galin gudashada waajibaadkooda shaqo.

7/30/2022 5:42 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo is kaashanaya ayaa howgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxay sheegeen iney ku dileen sideed xubnood oo ka mid ah dagaalyahanada Shabaab.

7/30/2022 2:50 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Sii hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, ayaa u mahad celiyay Bangiga Adduunka oo dowladda Soomaaliya u ansixiyay $100 milyan oo doolar oo kaalmo miisaaniyadeed ah.

7/30/2022 2:35 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa kasoo hadlay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al Shabaab, xilli dowladda Ethiopia ay sheegtay inay ku dishay dagaaladii shalay ka dhacay gobolka Bakool.