5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 7 , 2022
Taliska Ciidanka DANAB oo sheegay iney howlgal qorsheysan ku dileen Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab
 

Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, gaar ahaan Ururka 4-aad ee guutada 16-aad ayaa howgalo qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Kumaandooska DANAB ayaa howgalkooda la sheegay iney si gaar ah uga sameeyeen deegaanka lagu magacaabo Gamboole oo ka mid ah deegaanada Shabaab ay ku xoogan yihiin ee gobolka Sh/dhexe, waxaana halkaasi ku dhexmaray labada dhinac dagaalo xoogan.

Taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska DANAB Gaashaanle dhexe Axmed Cabdullahi Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalada ciidanka Kumaandooska ka fuliyeen deegaanka Gamboole ay ku dileen 5 sarkaal iyo  xubno kale oo ka mid ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugnaa Gamboole.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ay kula dagalaamayaan dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab ay sii socon doonaan inta ay dhamaan deegaanada gobolkaasi gacanta dowlada dib ugu soo celinayaan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan howlgalka gaarka ah ee ciidanka DANAB ku sheegteen iney ku dileen 5 saraakaal iyo xubno kale oo ka tirsanaa dagalamayaashooda ku sugnaa deegaanka Gamboole ee gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/7/2022 3:43 PM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa Bangiga Dhexe ku amray inaan laga bixin qasnada lacag $9.6 milyan oo ay Dowladda Imaaraadka leedahay.

1/7/2022 1:54 PM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Shirka Golaha wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya Raysal wasaaraha Soomaaliya, shanta madaxweyne goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa goordhaw oo Caawa ah dib uga bilaawday Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

1/7/2022 1:48 PM EST
Jimco, January, 7, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo dadka reer Muqdisho ku hambalyeeyay mucaaradada ay kala horyimaadeen xukunka madaxweyne Farmaajo.

1/7/2022 1:47 PM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Siyaasiyiin caan ah oo uu kamid yahay Jawhar Maxamed ayaa dib xoriyadoodii u helay, kaddib markii ay muddo dheer ku jireen xabsi ku yaal Addis Ababa.

1/7/2022 10:19 AM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku doonayo inuu dib usoo celiyo xiriirkii istaraatijiga ahaa ee ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ay sheegeen in la xumeeyay sanadahii u dambeeyay.

1/7/2022 8:04 AM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta raali galin ka bixiyay dhacdadii dowladda Imaaraadka Carabta loogala wareegay lacag gaareysay sagaal Milyan bishii April ee sanadkii 2018, taasoo lagu qabtay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

1/7/2022 6:36 AM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Militariga dowladda Soomaaliya ayaa barqanimadii Maanta lagula beegsaday qarax miino oo ahaa nooca meelaha fog fog laga hago inta u dhaxeysa magaaloyinka Dhuusamareeb iyo Ceeldheere.

1/7/2022 1:16 AM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadaado ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay dagaalamayaasha Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen qeybo ka mid ah deegaankaasi.

1/7/2022 1:09 AM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe cagjar oo maanta ka qayb galay xus ay isugu yimaadeen taageerayaasha Ururka Dulmidiid, ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda abaaraha ee dowlad degaanka Soomaalida ka jirta.