3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 7 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya weerar culus oo saakay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud

Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadaado ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay dagaalamayaasha Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen qeybo ka mid ah deegaankaasi.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dagaalyahanada Shabaab weerar xoogan oo dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Baxdo, waxaana ay halkaasi iska caabin xoogan kala kulmeen Al-shabaab dadka deegaankaasi, iyadoo mudadii uu dagaalka socdayna la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka Baxdo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan islamarkaana xoogiisa ka dhacay gudaha deegaanka Baxdo, waxaana la soo warinaya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, walow aanan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Al-shabaab dib looga saaray gudaha deegaanka Baxdo, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalka Shabaab saakay kula wareegeen deegaanka Baxdo oo markii dambe lasoo sheegay in dib looga saaray.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah waxay horay ugu qaadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/7/2022 3:43 PM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa Bangiga Dhexe ku amray inaan laga bixin qasnada lacag $9.6 milyan oo ay Dowladda Imaaraadka leedahay.

1/7/2022 1:54 PM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Shirka Golaha wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya Raysal wasaaraha Soomaaliya, shanta madaxweyne goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa goordhaw oo Caawa ah dib uga bilaawday Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

1/7/2022 1:48 PM EST
Jimco, January, 7, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo dadka reer Muqdisho ku hambalyeeyay mucaaradada ay kala horyimaadeen xukunka madaxweyne Farmaajo.

1/7/2022 1:47 PM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Siyaasiyiin caan ah oo uu kamid yahay Jawhar Maxamed ayaa dib xoriyadoodii u helay, kaddib markii ay muddo dheer ku jireen xabsi ku yaal Addis Ababa.

1/7/2022 10:19 AM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku doonayo inuu dib usoo celiyo xiriirkii istaraatijiga ahaa ee ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ay sheegeen in la xumeeyay sanadahii u dambeeyay.

1/7/2022 8:04 AM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta raali galin ka bixiyay dhacdadii dowladda Imaaraadka Carabta loogala wareegay lacag gaareysay sagaal Milyan bishii April ee sanadkii 2018, taasoo lagu qabtay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

1/7/2022 6:36 AM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Militariga dowladda Soomaaliya ayaa barqanimadii Maanta lagula beegsaday qarax miino oo ahaa nooca meelaha fog fog laga hago inta u dhaxeysa magaaloyinka Dhuusamareeb iyo Ceeldheere.

1/7/2022 1:24 AM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, gaar ahaan Ururka 4-aad ee guutada 16-aad ayaa howgalo qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

1/7/2022 1:09 AM EST
Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe cagjar oo maanta ka qayb galay xus ay isugu yimaadeen taageerayaasha Ururka Dulmidiid, ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda abaaraha ee dowlad degaanka Soomaalida ka jirta.