4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 14, 2022
Raysal wasaare Rooble oo faray guddiyada doorashada in doorashada golaha shacabka berrito dib u bilaabato
 

Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in berrito oo sabti ah  ay dib u billaaban doonaan doorashooyinka golaha shacabka.

Raysal wasaaraha ayaa faray dhamaan guddiyada doorashooyinka inay lixda deegaan doorasho ka billaabaan qabashada doorashada kuraasta golaha shacabka ee horey loo shaaciyay tartankooda.

"Xalka aan haysano waa doorasho, waxaan leeyahay saaxiibadayda oo aan anigu ugu horeeeyo iyo dowlad goboleedyada in aan sida ugu dhaqsiyaha badan ugu hufan aan ufulino qabashada doorashada, Waxaad ogtihiin in maalinta walba lasoo saaro baaq nala kaga codsanayo in aan doorashada waqtigeeda kusoo gabagabayno " ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan dagaalka Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online