4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2022
Qaramada Midoobay iyo Booliiska Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxii Ismiidaaminta ee Maanta ka dhacay Muqdisho
 

Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Xasan Aadan oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa maanta ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxii maanta uu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho , dhaawac iyo burbur hantiyadeed isugu jira.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in dad gaaraya ilaa 9 ruux oo shan ka mid ah ahayeen askar afarta kalana ay ahayeen dad shacab ah ay ku dhinteen qaraxa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen ilaa 14 ruux oo kale oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan.

"Waxa meesha ka dhacay waxay ahayeen wax lagu batilmaamedsanayo dhamaan umadda Soomaaliyeed, majirin wax gaaray saraakiishii cadaanka aheyd oo iyagoo nabad qaba ayaa gaarigii ay saarnayeen laga soo dajiyay oo lagu qaaday gaari kale waxa ku dhintay meeshana dhamaan waa dad Soomaaliyeed" ayuu yiri afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Xasan Aadan.

Dhanka kale Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul waxa uu u Cambaareeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana Qaramada Midoobay ay beenisay in qaraxii maanta  lala beegsaday kolanyo gaadiid ah ay la socdeen Saraakiil ama qandaraaslayaal Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ayaa waxaa tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas Ismiidaaminta ahaa, iyagoona caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii dhaawacmay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar ee magaalada Muqdisho

"Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee goor sii horreysay oo maanta ah ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay tacsi u direysaa ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, iyadoo u rajeysay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Si ka duwan wararka qaar ee horay u soo baxay, ma jiraan shaqaale Qaramada Midoobay ka tirsan ama qandaraaslayaal ah oo ku jiray kolonyada la beegsadayā€¯ ayaa lagu yiri Qoraalka Qaramada Midoobay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online