4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2022
Maraykanka oo ku hanjabay ciddii jebisa heshiiska doorashada Soomaaliya inuu tallaabo ka qaadayo
 

Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay qaado tallaabo kasta oo ka dhan ah dib udhaca doorashada oo ay ku jiraan in ay xayiraad kusoo rogaan kuwa masuulka ka ah falalka wax u dhimaya hufaanka iyo geeddi socodka doorashada.

Afhayeenka Wasaaradda A. Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in xayiraado dhanka Visaha ay kusoo roggi doonaan soomaaliya, haddii ay sii socoto dib u dhaca Doorashada.

“8 Febraayo waa sanad guuradii koowaad markii uu xilka ka dhamaaday Farmaajo, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraada Visaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi socodka doorashada” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda A. Dibadda Mareykanka Ned Price.

Dhinaca kale Safaaradda Maraykanka  ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday hoggaamiyayaasha siyaasada Soomaaliya in ay hannaanka doorashada kusoo gabagabeeyaan marka la gaaro 25ka Febraayo, sida lagu heshiiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Safaaradda maraykanka ayaa sheegtay in laga fogaado wax kaste oo wax u dhimi kara  horusocodka dooraahada  iyo in ciidamada ammaanku  ay dhexdhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada.

Khilaafka doorashada ayaa keenay dib u dhac muddo hal sano ah, waxaana hadda lagu heshiiyay in 25 ka febraayo lagusoo gabagabeeyo doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online