5/26/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2022
Afhayeen Buuni "Ilaa markii ay timid arrintan dastuuriga ah Xirsi waxaa ku dhacay dawakh wayn"
 

Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo waraysi siiyay HCTV, ayaa sheegay in furista ururrada siyaasadu ay tahay arrin qaanuuni ah oo aan la dhaafi karin.

Buuni oo u jawaabayay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Xirsi ku eedeeyay in uu jaha wareer ka qaaday ku dhawaaqista furista ururrada siyaasada.

"Ilaa markii ay timid arrintaa qaanuuniga ah ee xeer 14 Xirsi waxa ku dhacay dawakh weyn, oo uu meel walba jiidhayo, mar uu leeyahay madaxweynaha hala golo joojiyo, mar uu leeyahay maxkamad sarre ma jirto" ayuu yidhi afhayeen Buuni.

Buuni ayaa sheegay in furista ururradu ay tahay xaq dastuuri ah oo ay muwaadiniintu leeyihiin "Xeer 14 waxa uu dhigayaa in 10 kii sannaba mar ururrada la furo, xigmada ku jirtaana waa in muwaadiniinta J. Somaliland ay helaan xaqa dastuuriga ah ee ay leeyihiin".

Buuni ayaa sheegay in diidmada furista ururrada siyaasadu ay Xirsi kaligii ku koobnaan doonto "Hadii aad leedahay dalku iga danbayn maayo waxan balan kuugu qaadayaa in kaligaa qiyaamahaagu kugu egyahay, oo aad kaliga tahay".



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/10/2022 3:03 PM EST
Isniin, January, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa cambaareeyay isku day uu maamulka gobolka Togdheer ku doonayay in ay ku joojiyo, shir madaxda xisbigu ay la lahaayeen qaybo kamid ah bulshada reer Burco.

1/10/2022 10:51 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah waxay ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo horay ugu dilay qof shacab ahaa degmada Luuqa ee gobolka Gedo.

1/10/2022 6:49 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay in golaha wadatashiga qaran ay heshiis ku gaareen hannaanka doorashada iyo dardar gelinta doorashada Golaha Shacabka.

1/10/2022 1:57 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska Puntland ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay dil xalay magaalada Garowe loogu geystay wiil dhalinyaro ah oo katirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ee Garowe.

1/10/2022 12:45 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Guddi nabadayn ah oo Puntland u xilsaartay colaadda Saaxmaygaag iyo Sange jebiye ayaa ku guulaystay in ay kala qaadaan labadii maleyshiyo beeleedkii ee isku horfadhiyay deegaannadii dhowaan lagu dagaalamay.

1/10/2022 12:31 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay kusoo dhaweeyeen War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Shalay galinkii dambe lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

1/10/2022 12:26 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal xoogan oo khasaare badan dhaliyay oo Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ku dhexmaray deegaanka lagu magacaabo Cadakibir.