4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2022
Uganda oo martigelinaysa shir ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya
 

Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa martigelin doonta shir ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya, iyadoo ay kulmidoonaan guddiyo heer wasaaraddeed oo labada dal ka kala socda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

Shirkan oo Kampala ka dhicidoona 6-da–7da August 2022, ayaa wasaaradda arrimaha dibadda Uganda waxay sheegtay in ujeeddada ugu weyn ay tahay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dalka dhaxeeya.

Gen Jeje Abubakhar Odongo, wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda ayaa hoggaamin doona wafdiga Uganda, halka Abshir Cumar Huruuse, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu hoggaamin doona wafdiga dowladda Soomaaliya.

Arrimaha labada guddi kawada hadlidoonaan waxaa kamid ah, sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada diblomaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo maalgashiga, iskaashiga difaaca, beeraha, socdaalka, waxbarashada iyo gaadiidka.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay shirkaan kula hadli doona ganacsatada gaarka ah iyo ganacsatada labada dal, iyagoo ku baraarujindoona ganacsatada inay ka faa'idaystaan fursadaha ganacsi ee labada dal.