3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2022
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay bannaanbaxa mucaaradku qorshaynayaan
 

Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay dhigaan mudaharaad anay ogolaansho u haysan.

Kulan uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed la yeeshay madaxda ciidamada, maamulka gobolka Maroodijeex iyo maamulka caasimada Hargaysa, ayuu wasiirku ku faray in ay ilaaliyaan guud ahaan nabadgalyada, isagoo sigaara uga digay mudaharaadada mucaaradku qorshaynayaan.

"Cidkasta oo isku dayda in ay amniga wax u dhimaan iyaga oo ku soo dhuumanaya mudaharaad sharci darro ah tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa,wixii ka yimaadana waxaa qaadaya masuuliyadeeda ciddii soo abaabushay" warsaxaafadeed kulanka kasoo baxday ayaa sida lagu yidhi.

Wasiirka Kaahin ayaa faray hay'adda amniga in ay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo isku dayda in ay waxyeelayso ama khalkhal geliso xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland, ayaa markale lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Shacabka ayaa dhinacooda loogu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada nabadgalyada ee ilaalinaya nabada, isla markaana ay ka fogaadaan cidkasta oo wada fal amni daro ah.

"Shacabkana waxaa loogu baaqayaa in ay la shaqeeyaa ciidamada nabadgelyada, kana fogaadaan cidkasta oo wada dhibaato lagu waxyeelanayo nabadgelyada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland" ayaa lagu yidhi warsaxafadeeda.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku goodiyay in ay qaban doonaan mudaharaado, kadib markii ay burbureen wadahadaladii ay la lahaayeen xukuumada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/3/2022 11:14 AM EST
Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa Booliiska Somaliland ku eedeeyay in uu baal maray xeerka booliiska lagu dhaqo.

8/3/2022 9:38 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul goboleeda Hirshabeelle oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa ansixiyay xubnaha Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo laba cesho ka hor uu magacaabay madaxweynaha Maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.

8/3/2022 8:44 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Culimada dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa kullan ay isugu yimaadeen oo uu goob joog ka ahaa madaxweyne Mustafe Cagjar, waxay ku cambaareeyeen duullaankii ururka Alshabaab uu kusoo qaaday gobolka Afdheer.

8/3/2022 7:16 AM EST
Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa beenisay war ay warbaahinta Somali Dispatch, ku sheegtay in xukuumada Somaliland si qasab ah ku masaafurisay 34 qof oo Itoobiyaan ah.

8/3/2022 7:06 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Hay’adda dambi baarista dalka Kenya ayaa waxay gacanta ku dhigtay nin si aad ah looga baadi goobayay Kenya.

8/3/2022 5:32 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Golweyn oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

8/3/2022 2:42 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haysa in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaan jiray Alshabab, uu kamid noqdo golaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.

8/3/2022 2:16 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Haweeney Soomaali ah, oo haysata dhalashadsa Holland ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay lacago boqolaal dollar ah ugu deeqday kooxda Al-Shabaab.