9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2022
Saraakiil sare oo katirsan ciidamada difaaca Ethiopia iyo kuwa deegaanka Soomaalida oo gaaray magaalada Beledweyne
 

Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo Sarreeye Gaas Tesfaye Ayalew oo ah madaxa qaybta daabulidda ciidamada difaaca Itoobiya ahna isku duwaha taliska nabad sugidda ku meel gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sarreeye Gaas Tesfaye ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya, taliyaha ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida Jeneraal Maxamed Axmed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada difaaca iyo kuwa gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dowlad deegaanka.

Ujeedka socdaalka saraakiishan. ayaa ah sidii loo joojin lahaa duullaanka Al-Shabaab ee dalalka dariska la ah Soomaaliya. Sidoo kale, Wafdigan ayaa la filayaa in ay la tashi la sameeyaan Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo hoggaanka amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Major General Tesfaye iyo General Mohamed Ahmed ayaa wadahadalo la yeeshay xubno ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee (ATMIS).

Wafdiga ayaa ka dhawaajiyay in howlgallada ay iska kaashanayaan ciidamada difaaca Itoobiya iyo ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya, ay ka soo bixi doonaan natiijooyin lagu burburinayo ururka Al-Shabaab.












Click here
8/2/2022 1:52 PM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Iyadoo galinkii dambe ee Maanta lagu dhawaaqay liiska Golaha wasiiradda Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya ayaa waxaa durba soo baxay inuu is casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda Qorsheynta Maxamed Cabdiqaadir Cali.

8/2/2022 10:14 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Xawaadle ee deegaanka Farjano ee dowlad deegaanka Somaalida Itoobiya ee xaduuda la leh gobolka Hiiraan ayaa 10 neef oo Geel ah ku wareejiyey saraakiisha ciidanka Liyuu Booliska.

8/2/2022 9:57 AM EST
Talaado, Ogosto, 2, 2022 (HOL) - Waxa magaalada Berbera ee cariga Somaliland laga hirgaliyay warshada Sometuna oo ah warshad kalluunka warshayd doonta, oo ay hirgaliyeen ganacsato waddani ah.

8/2/2022 9:15 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u shaaciyay golaha wasiiradda Soomaaliya, kadib muddo ka badan bil oo uu ku jiray wadatashi siyaasadeed.

8/2/2022 5:37 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in hoggaamiyahii Al-qaacida Ayman Al-Zawahiri lagu dilay weerar loo adeegsaday Drone oo ay fulisay CIA-da Mareykanka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Amerikaan ah.

8/2/2022 3:25 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in lala beegsaday gaari Cabdibile ah oo maraayay wadada.

8/2/2022 2:55 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Bukure oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu Maanta ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Al-shabaab.

8/2/2022 2:20 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxay ku sheegtay, in 37 qof ay sanadkan Soomaaliya ugu geeriyoodeen cudurka daacuunka.

8/2/2022 2:19 AM EST
Talaado, Ogosto, 2, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland iyo shirkadaha laydhka, ayaa ku heshiiyay in qiimaha korontada halkii unit lagu iibiyo $0.73, isla markaana aan la jarin korontada habeenkii.

8/2/2022 2:08 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida oo maalmihii u dambeeyay shir uga socday magaalada Jigjiga ayaa ansixiyay gole loogu magac daray Komishinka Baadhista tacadiyadii deegaanka ka dhacay.

8/2/2022 2:02 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliyaa, Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda shaaciyo liiska golihiisa wasiiradda, kadib muddo ka badan hal bil oo uu socday wadatashiyo ku aadan dhismaha xukuumada.