4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2022
Urrurada siyaasada Somaliland oo u jawaabay madaxda mucaaradka
 

Jimco, September, 9, 2022 (HOL) - 5 kamid ah madaxda urrurada siyaasada cusub ee Somaliland, ayaa xisbiyada mucaaradka ugu baaqay in ay u hogaansamaan qaraarka maxkamada dastuuriga ah ee ku aadan furista urrurada siyaasada.

Guddoomiyaha Urrur Siyaasadeedka Waabari Cabdirisaaq Ibraahin Ataash iyo Guddoomiyaha urrur siyaasadeedka Hilaac Axmed Ismaciil Samatar oo ku hadlay afka urrur siyaasadeedada 5-ta ah, ayaa sheegay in aanu jirin madaxweyne Somaliland boqor ka noqonaya, loona baahanyahay in aan mudaharaado kale la samayn.

"Dhawaaqyadii ugu danbeeyay ee soo baxayay ee ka imanayay xisbiyada mucaaradka, waxay ahaayeen kuwo warwarkooda leh ... ma mudna madaxweyne aan dalkan joogi doonin oo aan boqor ka noqon doonin, in wixii cishadii dhawayd dhacay ay dib inoogu soo noqdaan" Guddoomiye Ataash ayaa sida yidhi.

Guddoomiye Samatar ayaa dhankiisa sheegay in dhalinyarada Somaliland mustaqbal u baahantahay, iyo in aan laysku dul qabsan, mustaqbalkaana lagu xaqiijin karo in la raaco soojeedinta maxkamada sarre iyo golayaashii sharci dajinta ee kala danbeeyay.

"Si mustaqbalka loo xaqiijiyo waxaanu usoo jeedinaynaa mucaarad iyo muxaafadba, in loo hogaansamo oo la raaco hay'addihii waddanka ugu waa waynaa hadalkaa ay soo jeediyeen, meel kale oo umadi ay tagtaa ma jirto" ayuu yidhi Samatar.

Waxa uu sheegay in xeerka furista urrurada siyaasada, ay ansixiyeen golihii wakiilada ee hore, golaha hada joogaana ay markale meel mariyeen, kadibna golaha guurtidu qalinka ku duugeen, maxkamada sarre iyo madaxweynuhuna ay socodsiiyeen.

Waxay sheegeen in anay garanayn meel kale oo dood la geeyo marka intaasoo hay'addood meel mariyeen xeerka furista urrurada siyaasada, waxay ay sheegeen in loobahanyahay in umadu u hogaansato xeerarka hay'addaha dastuuriga ah oo aan muran la galin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]