4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dagaal kula wareegay buurta Dacaaroow ee gobolka Hiiraan
 

Jimco, September, 9, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gorgor oo kaashanaya ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay dhul buuraleey ah oo ku yaala gobolka Hiiraan oo ay Saldhig weyn ku lahayeen Al-shabaab.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalkooda si gaar ah uga fuliyay buurta Dacaaroow oo ka mid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Hiiraan, waxaana la tilmaamay in halkaasi ciidamada iskaashanaya ay dagaalo xoogan kula galeen Al-shabaabkii ku sugna buurta Dacaaroow.

Sarkaal la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalka ciidamada Gorgor iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen buurta Dacaaroow ay ku dileen 6 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale ay u suurta gashay iney soo furtaan ku dhawaad afar boqol oo neef oo ari ah, kuwaas oo la sheegay in shabaab ay ka wateen dad reer Miyi ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalada ka dhacay deegaanka Dacaaroow ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalada noocaan ah ay sii wadi doonaan inta ay Al-shabaab ka saarayaan guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Deegaano badan oo hoostaga degmooyinka Baledweyne, Matabaan, Maxaas, Jalalaqsi iyo Buulaburte dhamaantood waxaa ka socda howlgalo culus oo ay wadaan ciidamada deegaanka ee la baxay dib u xoreynta deegaanka oo garab ka helaya dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la dagaalamaya kuwa Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolkaasi, waxaana dagaalada ciidamada deegaanka ay sii xoogeysteen markii dhawaan Al-shabaab dad shacab ahaa ay ku laayeen deegaanka afar irdood oo u dhaxeeya Baledweyne iyo Maxaas.