4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 8 , 2022
Golaha wasiiradda Soomaaliya oo bogaadiyay abaabul beeluhu uga hortagayaan Alshabaab
 

Khamiis, September, 8, 2022 (HOL) - Golaha wasiiradda xukuumada Soomaaliya ayaa boggadiyay abaabulka iyo dhiiranaanta ay beelaha Soomaaliyeed uga hortagayaan ururka Alshabaab oo ay ku eedeeyeen inuu baneystay naftooda iyo maalkooda.

Golaha wasiiradda oo raysal wasaare Xamse Cabdi Barre uu shir guddoominayay, ayaa sheegay, dib-u-xoraynta deegaannada Alshabaab inay tahay mid kamid ah halbeegyada hortabinta u leh barnaamijka xukuumadda.

Goluhu wuxuu bogaadiyay ciidamada qalabka sida oo taageeraya howgallada Alshabaab lagula dagaalamayo.

Hadalka golaha wasiiradda ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Alshabaab ay ku hanjabeen inay la dagaalamayaan qabaa'il kaste oo dowladda lasoo safta.

Haatan, gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxaa ka socda abaabul xooggan oo qaar kamid ah beeluhu isugu diyaarinayaan inay dagaal midaysan ku qaadaan Alshabaab.

Arrintaan ayaa waxay ka dambeysay kadib markii dhawaan Alshabaab ay gobolka Hiiraan ku laayeen dad shacab ah islamarkaana ay gubeen ceelal iyo tuulooyin.