4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 8 , 2022
Itoobiya oo iska fogeysay barnaamij ka baxay warbaahinteeda oo dhaawici kara xiriirkeeda Soomaaliya
 

Khamiis, September, 8, 2022 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay war uu baahiyay Telefishinka qaranka Ethiopia Arbacadii in aanu ka turjumayn siyaasaddooda ku wajahan Soomaaliya.

Barnaamijka laga sii daayay warbaahinta Ethiopia, ayaa lagu sheegay in xubno katirsan dowladda madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ay carqaladeeyeen dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Barnaamijka inta uu socday waxaa lagu sheegay aragtida ah in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xiriir adag la lahaa ururka Tigreega, kuwaas oo xukunka iyo siyaasadda Itoobiya gacanta ku hayay ka hor inta uusan imaan raysal wasaare Abiy Ahmed.

“Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya waxay ka fiirsatay warka aan sax ahayn ee barnaamijka “Etv WORLD” ee ku saabsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la sii daayay Talaadadii, Sebtember 6, 2022. Nuxurka barnaamijku ma matalo siyaasadda dawladda Itoobiya oo aan waafaqsanayn xidhiidhka labada ummadood,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Ethiopia.

Warkaan oo aad ugu faafay warbaahinta ayaa dadka falanqeeya siyaasada waxay ku tilmaameen inuu muujinayo jiritaanka khilaaf aan weli dibadda usoo bixin oo ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheikh uu safar ku tagay dalka Masar, oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan webiga Niilka, Ethiopia ayaa la sheegay inay hoos u dhigtay cilaaqaadkii ay la lahayd madaxweyne Xasan Sheikh.