4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2022
Xisbiga Waddani oo ka hadlay mawqif kooda ku aadan mudo kordhin loo sameeyo madaxweyne Biixi
 

Arbaco, September, 7, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa sheegay in anay aqbalayn in madaxweyne Biixi loo sameeyo muddo kordhin aan lagala tashan.

Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo warbaabinta kalu hadlay barxada jaamacada Gollis oo uu kaga qaybgalay xaflada qalinjabinta dufcadii 33aad ee ka baxda, ayaa sheegay in anay aqbalayn muddo kordhin aan iyaga lagala heshiin.

"Maya mawqifka yagana waanu sheegnay, waxa nooga meel yaala 13 November wixii ka danbeeya hadaan laga wada hadal, hadaan wax layskaga ogayn, ma jirto dariiqo sharci ah oo lagu kordhiyaa, waxna lagama heshiin labada shay ayaa wax lagu kordhin jiray" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa sheegay in anay aqbali doonin madaxnimada madaxweyne Biixi wixii ka danbeeya 13 November, oo uu ku egyahay maddo xileedkii loo doortay madaxweynaha "Markaa anagu ma aqoonsanayno dowlada xiligaa wixii ka danbeeya ma aqbali doono".

Madaxweynaha Somaliland ayaa la rajaynayaa in loo kordhiyo muddo xileedka, iyada howlihii doorashada lagu gali lahaa anay diyaar ahayn khilaafka siyaasadeed awgeed, isla markaana mudadu ay gaabantahay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]