12/2/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2022
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay howgal qorshaysan oo ciidamadu kula wareegeen deegaanka Basra
 

Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in shan dagaalame oo katirsan kooxda Alshabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ciidamada dowladdu kula wareegeen tuulada Basra ee gobolka Shabeeladda dhexe.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida oo kaashanaya kuwa deegaanka ay haatan gacanta ku hayaan tuulada Basra oo ah deegaan istaraatiiji ah oo isku xira Muqdisho iyo gobolada Shabeelooyinka

Deegaanada laga xoreeyay ayaa Al-shabaab waxa ay ku lahaayeen maxkamado ay Shabaab dadka ay uga qaadi jireen lacagaha sharci darro ah iyo xarumo ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo dilalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Hal askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa ku geeriyooday inta uu howlgalku socday. Dowladdu ma sheegin wax dhaawac ah.













Click here
9/30/2022 8:47 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka oo ku geeriyooday Qarax miino oo lagula eegtay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

9/30/2022 7:33 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay iyagoo ku sugnaa goob Ceel biyood laga qodayay oo kutaala deegaanka Gariley oo u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

9/30/2022 5:31 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Taliyihii ciiddanka Booliiska gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa ku geeriyooday qarax miino oo lagula eegtay deegaanka Basra, halkaas oo saakay ciidamada dowladda kala wareegeen Alshabaab.

9/30/2022 4:44 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dagaal culus oo Soomaalida iyo Oromada u dhaxeeya, uu saaka mar kale ka qarxay degmada Gurra dhaamoole oo ka tirsan gobolka Liibaan ee dowlad degaanka Soomaalida.

9/30/2022 4:27 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo raysal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed oo muddo labo maalmood ah wada hadal uga socday magaalada Addis Ababa ayaa gaaray heshiis is-afagarad ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka labada dal.

9/30/2022 4:20 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha Ahlu sunna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya kula jiraan wada hadal ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Alshabaab.

9/30/2022 2:12 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamadu howlgal qorsheysan ay hiirtii waaberi ka fuliyeen Basra.

9/30/2022 1:34 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federalka Soomaaliya Saleeebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya dabagal ku hayso shaqsiyaad ku eedeysan inay maalgalin u sameeyaan kooxda Alshabaab.